Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo maanta khudbad ka Jeediyey Munaasabad lagu taageerayey Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan gobolka laga taageeray Maamulka cusub.
….”"” Dhamaan 9-ka degmo ee gobolku ka koobanyahay,waxaa ka dhacay kulamo ,Isu imaatin iyo isu soo bixid,waxaana lagu wada taageeray maamulka laga yagleelay Jubbaland ee loo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe),Isla markaana Madaxweyne Kuxigeen loo magacaabay Gen Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil,waan u hambalyeyneynaa…”"”ayuu yiri.
_______________________
Cismaan Turaabi