Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iney taageerto Maamul-goboleedyada dalka jira iyo kuwa dhismaya.
….”"” Waxaan baaq u dirayaa dawladda federaalka ee Hoggaanka u haysa dalka Soomaaliya oo mudadanba kasoo baxayeen hadalo oo aan ugu baaqeyno mas’uuliyada iyo Dastuurka,midnimada dalka iyo sidii hawshooda u gudan lahaayeen una taageeri lahaayeen Maamul-goboleedyada horey u jiray iyo kuwa dhismaya…..”"”ayuu yiri.
Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim ayaa sidoo kale ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iney ka fokaato wax kasta oo Ummada Soomaaliyeed kala fogeynaya isla markaana ka shaqeeyaan Midnimada Ummada.
…”"” Waxaan ugu baaqeynaa iney ka fogaadaan wax kasta oo Ummada kala fogeynaya oo aan Ummada dani ugu jirin oo Qaranimadu ku dhimaneyso oo dhaqaalaha dalku ku baaba’ayo,waxaan la yeehay Midnimo ka shaqeeya,dib u heshiisiin ka shaqeeya haddaan Odayaasha dhaqanka nahay ,waxaanu dooranaya Xildhibaano iyagiina waxay soo saareen Xukuumada shaqeyneysa….”"”ayuu Nabadoon Xarago.
_____________________________
Cismaan Turaabi