Boosaaso[RBC Radio] Kulan ballaaran oo lagu taageerayey Maamul-goboleedka Jubbaland ee looga dhawaaqay magaaladda Kismaayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Munaasabada lagu taageerayey Jubbaland oo lagu qabtay Xarunta dawladda Hoose ee magaaladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Maxamed Gallan,Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan,Nabadoono,Haween,Dhalinyaro iyo Bulshada Boosaaso.
Guddoomiyaha gobolka Cabdisamad iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla ayaa si wadajir ah u taageeray Maamul-goboleedka Jubbaland ee Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe),waxayna dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen iney taageeraan Dawladda cusub.
Qaar kamid ah Nabadoonada gobolka Bari ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya iney dhaqangeliso Nidaamka Federaalka isla markaana ay taageerto Maamul- goboleedyada dalka ka jira.
______________________
Cismaan Turaabi