Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa magaalada Muqdisho kulan albaabadu u xiran yihiin  kula yeeshay  wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ahna madaxa guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM Maxamed Saalax Annadiif.

Markii uu soo dhammaaday kulanka labada masuul ayey warbaahinta si wada jir ah shir Jaraa’id ugu qabteen iyagoona ka warbixiyey waxyaabihii ay kulankooda iskula soo qaadeen,R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay iney wakiila midowga Afrika ka wada hadleen iskaashiga Soomaaliya iyo ururka midnimada Afrika.

R/wasaare Saacid ayaa tilmaamay iney sidoo kale ka wada hadleen wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya arimaha siyaasadda,horumarinta iyo hawsha guud ee ciidamada AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo sidii hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu guul ugu dhammaan lahaa.

“Aad ayaan raali uga nahay hawlaha faraha badan ee ay ciidanka AMISOM nala qabtaan,waxaanune ku rajo weyn-nahay iney ku dhammaadaan guul” ayuu yiri R/wasaare Shiirdoon oo ka hadlayey shirka Jaraa’id ee ay sida wada jirka ah u qabteen isaga iyo wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Maxamed Saalax wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay iney R/wasaaraha is dhaafsadeen fikiro ku saabsan xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuuna tilmaamay in midowga Afrika uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda Soomaaliya,isagoona  ammaanay habka ay dowladdu shaqad u wado iyo dadaalada ay ku dooneyso iney dalka kaga samatabixiso dhibaatada uu mudada dheer kusoo jiray.

R/wasaare Saacid ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Sanad-guurada 50-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ururka Midowga Afrika oo ku beegneed bishii May ee sanadkii 1963-kii wuxuuna hambalyo u diray dhammaan dadka reer Afrika,isagona ku dhawaaqay in maalinta berri ah magaalada Muqdisho laga dhigi doono dabbaaldag lagu maamuusayo aas-aaskii Ururka Midowga Afrika.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles