Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir kula kulmay caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum,wasiirka ayaa madaxweynaha kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeta labada dal iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee dowladda Suudaan ay u fidiso ummadda Soomaaliyeed.
C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay Raadiyaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu gaarsiiyey dhanbaal uu uga siday dhiggiisa dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladda Suudaan ku ammaanay hiilka muuqda ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intii uu kulanka la lahaa madaxweyne Al-Bashiir waxay isla soo qaadeen dadaalada ka socda dalka Soomaaliya iyo guulaha ay gaareyso dowladda Soomaaliya,waxayna isla soo qaadeen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.
Madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa shaaca ka qaaday inuu taageero la barbar taagan yahay dowladda Soomaaliya oo uu si weyn u amaanay guulaha ay ku tallaabsata mudada kooban ee ay jirtay,Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in wadahadalada uu la qaatay madaxweyne Al-Bashiir ay kusoo dhammaadeen guul iyo is afgarad sida uu tilmaamay.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo maalmihii danbe booqasho ku joogay magaalada Khartuum kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaas C/rixiin Xuseen oo ay ka wada hadleen sidii ay Suudaan u taageeri lahayd dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho