Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoonka baarlamaanka oo laalay Mooshinkii xukuumadda laga keenay kadib markii ay ka laabteen intii badneed xildhibaanadii soo gudbiyey

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u madlanaan iney  codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay tiradii ugu badneed ee mudanayaasha baarlamaanka ee ka qaybgala fadhiyada baarlamaanka waxaana xarunta baarlamaanka maanta soo xaadiray 200 oo mudane.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir gudoominayey kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa markii uu kulanka furay waxa uu sheegay in maanta loo ballansanaa in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda,wuxuuna tilmaamay in gudoonku uu dhex dhexaad ka ahaa isla markaane uu dhowray dhammaan xuquuqda mudanayaasha baarlamaanka intii ay socdeen hawlaha ku saabsan Mooshinka laga keenay Xukuumadda.

Jawaari ayaa sheegay iney Mooshinka keeneen 93 mudane,wuxuuna tilmaamay iney sidii sharcigu ahaa ay waqti u qabteen in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda xiligaas oo ku beegneed maanta oo Arbaco ah,wuxuuna tilmaamay iney siyaabo gaar gaar ah gudoonka baarlamaanka waraaqo ay kaga laabanayaan Mooshinkaas ay usoo gudbiyeen 55 xildhibaan oo ka tirsanaa 93-dii mudane ee Mooshinka ka keenay Xukuumadda.

Gudoonka baarlamaanka ayaa sheegay in saaka ay mar kale gudoonka 13 xildhibaan usoo gudbiyeen iney ka tanaasuleen Mooshinkii ay xukuumadda ka keeneen,wuxuuna ku dhawaaqay gudoomiye Jawaari uusan jirin wax Mooshin ah oo laga doodayo maadaama ay ka laabteen xildhibaanadii markii hore soo gudbiyey sidaasne ay ku laaleen Mooshinkaas.

Qaar kamid ahaa mudanayaashii u xusul duubayey inuu meelmaro Mooshinkani ayaa si weyn uga carooday go’aanka uu gaaray gudoonka baarlamaanka ee uu ku joojiyey in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon,Waxaana la arkayey iyaga oo buuq iyo qaylo ka dhexsameeyey iyaga oo muujinaya iney ka xun yihiin go’aanka uu gudoonku qaatay.

Waxayna sheegeen qaarkood oo warbaahinta la hadlay in madaxda sare ee dalku ay dhibaato ka dhex wadaan baarlamaaka Soomaaliya sida ay sheegeen waxayna tilmaameen in baarlamaanka la kala qaybinayo isla markaane laga dhex abuurayo kooxaysi sida ay hadalka u yiraahdeen,iyagoona ku dhawaajiyey in arinta maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ay tahay arin aan la qaadan karin oo meel ka dhac ku ah dastuurka dalka iyo Xasaanadda xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles