Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Midowga Yurub oo lacago hor leh ku bixinaya la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida

$
0
0

 

Brussles(RBC Radio) Ururka Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inuu bixinayo Malaayiin doolar oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ee dhibaatada kawada xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed,war saxaafadeed kasoo baxay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussles ayaa lagu sheegay in ururka uu la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ku bixinayo 37 Milyan oo dheeraad ah.

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in Malaayiinta doolarka ee ay ku bixinayaan la dagaalanka kooxaha buracd badeeda Soomaalida ay wax badan ka bedeli doonto cabsida laga qabo in burcad badeedo ay maraakiib hor leh afduubtaan.

Andris Piebalgs oo ka tirsan saraakiisha ururka Midowga Yurub ayaa aaminsan in tallaabadan cusub ee midowga Yurub uu ku bixinayo lacahaga lagula dagaalamayo burcad badeeda ay hoos u dhigi doonto cabsida laga qabo weerarada burcadbadeeda isla markaane ay sare u qaadeyso amniga xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ka baxsan oo ay ka qawleystaan burcad badeeda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa ka wada xeebaha Soomaaliya hawlgalka Atlanta kaasoo lagula dagaalamayo burcad badeeda,waxayna tilmaameen in hawlgalka ay xeebaha Soomaaliya ka wadaan Maraakiibta dagaalka midowga Yurub ay dhabarka ka jabiyeen weeraradii burcad badeeda oo si weyn usoo ifbaxay sanadkii 2008 oo ay afduubteen maraakiibtii ugu badnaa.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles