Afhayeenk u hadlay R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desaleng ayaa ka hadlay arimaha uu muranka badan ka taagan yahay ee gobolada jubooyika dalka Soomaaliya,afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aysan wax lug ah ku lahayn arimaha maamul u samaynta Jubooyinka.
Afhayeenka u hadlay R/wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in madaxweynayaasha kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo iney yihiin madaxweynaha Jubaland uusan jirin mid ay dowladda Ethiopia si gaara u taageersan tahay isla markaane uu cilaaqaad gaara kala dhexeeyo sida uu tilmaamay Katijwa oo ah afhayeen u hadlay R/wasaare Desaleng.
Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in arimaha ka socda magaalada Kismaayo ay tahay arin u taalla dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda isla maraane aysan jirin wax kaalin ah oo ay Ethiopia ku leedahay sida uu hadalka u dhigay.
“ma qabo in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay arimaha Jubooyinka,dowladdu wey ku hawlan tahay xal u helida arimahaas” ayuu yiri afhayeenka u hadlay R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desaleng.
Mr Katijwa ayaa intaa ku daray in doorka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya uu yahay taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in ciidanka dalkiisa ee dagaalka ka wada gudaha Soomaaliya ay naftooda u hureen sidii ay usoo celin lahaayeen amnigii iyo kala danbeyntii Soomaaliya isla markaane ay alshabaab uga safayn lahaayeen gayiga Soomaaliya sida uu hadalka u yiri.
Hadalka afhayeenka u hadlay R/wasaare Hailemariam Desaleng dalka Ethiopia ayaa kusoo beegmaya xili ay dad badan oo Soomaaliyeed ay Ethiopia iyo Kenya ku eedeynayaan iney hurinayaan mushkiladda ka taagan gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya waxaana lagu xantaa iney goboladaas ka leeyihiin dano siyaasadeed oo u gaara.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho