Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya Mooshinka laga keenay xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid sida uu warbaahinta u xaqiijiyey agaasimaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Cabdi Ciyow,wuxuuna tilmaamay in gudoonka baarlamaanku uu iclaamiyey in maanta oo Arbaco ah ay xildhinaanadu ka doodayaan Mooshinkaas.
Agaasimaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Ciyow ayaa sheegay iney filayaan inuu xaruta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uu maanta soo gaaro R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid maadaama uu baarlamaanka horyaalo Mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo.
Xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa lasii saadaalinayaa iney ka badbaadeyso in lagala laabto codka kalsoonida kadib markii la kala furfuray xildhibaanadii Mooshinka waday oo qaarkood lagu qanciyey iney joojiyaan Mooshinkaas isla markaane ay ku dhawaaqeen iney garwaaqsadeen iney habboon tahay in xukuumadda waqti la siiyo si ay u gudato waajibaadka loo xilsaaray.
Mooshinka ay maanta ka doodayaan mudanayaasha baarlamaanka ee ka dhanka ah xukuumadda ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee laga keeno xukuumadda,dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa isha ku haya Mooshinka laga keenay xukuumadda oo maanta codka kalsoonida loo qaadayo.
Xukuumadda R/wasaare Saacid oo jirtay muddo kooban ayaa dadaal ugu jirta sidii ay wax badan uga qaban lahayd arimaha amniga,siyaasada,dhaqaalaha iyo xiriirka dibadda,waxaana xukuumadda horyaala wax ka qabashada dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin isbiirsaday oo soo jiray 22-kii sano ee dowlad la’aanta kuwaas oo u baahan waqti badan, dadaal dheeraad ah iyo isku duubnida shacabka iyo hay’adaha kala gadisan ee dowladda.