Wasaarada adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jartay dugsiga caanka ah ee Bartamaha kasoo ay maalmihii danbe dib u dhis ka waday hay’ada NRC wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ,maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta hay’ada NRC ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu daah furayey dugsiga Bartamaha ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Dugsiga Hoose/dhexe ee Bartamaha oo ay hada wax ka bartaan 720 arday oo danyar ah kuwaas oo si lacag la’aan ah ku dhigta Iskuulka ayaa waxaa gacanta ku haya xukuumada Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’ada NRC waxaana maalmihii danbe ka socday dugsigaas dib u dhis xooggan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya Bashiir Max’ed BAshiir “Goobe” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga Bartamaha uu yahay halkii uu wax kasoo bartay wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay iney taageero dugsiga si shakhsi ah wuxuuna sheegay inuu heegan u yahay gudida abaalkii iyo tacliintii uu kusoo qaatay dugsiga Bartamaha ee degmada Shangaani.
Wuxuuna intaa ku daray in dugsiga ay wax ka bartaan 720 arday oo kasoo jeeda qoysas danyar ah kuwaas oo aan fursad u helin iney wax ka bartaan dugsiyada sida gaarka loo leeyahay ,wuxuuna tibaaxay in arintani ay bilow u tahay go’aankii wasaarada adeegga ay ku gaartay in 1 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah waqtiga dhow.
Isku duwaha hay’ada NRC ee bariga Afrika Xasan Khayre oo isne dhankiisa sheegay iney tahay wax lagu farxo in maanta la gaaro arday gaaraysay 720 arday oo si nabad galyo ah wax ugu baranaya Muqdisho waliba si lacag la’aan ah wuxuuna sheegay in hay’ada NRC ay diyaar u tahay iney dowlada Soomaaliya gacan kasiiso dib u soo nooleynta dugsiyada waxbarashada dalka.