Khartuum(RBC) Wasiirka wasaaradda Gaashaanshigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan oo kulan la yeeshauy ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan kuwaas oo dowladda Suudaan ka helay deeqaha waxbarasho iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa baaq u diray ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha Suudaan.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ka hadlayey munaasabad lagu soo dhaweynayey waftiga uu hogaaminayo ee ku sugan dalka Suudaan oo ka dhacday Hool weyn oo ku yaalla magaalada Khartuum ayaa ardayda Soomaaliyee ee wax ka barta Suudaan ku dhiiri galiyey iney kusoo biiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Fiqi ayaa sheegay iney qayb ka ahayd heshiiska ay la galeen dowladda Suudaan in Soomaaliya loo tababaro Saraakiil aqoon leh oo hogaamiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo lagu hawlan yahay dib u dhiskooda,wuxuuna tilmaamay in dhalinta aqoonta leh oo la doonayo ineu ka qayb noqdaan saraakiisha ciidanka ay kow ka yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in xiligan la joogi waqtigii ay dhalinyarada Soomaaliyeed samata bixin lahaayeen dalkooda, wuxuuna ku booriyey ardayda Suudaan wax ka barta iney ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dhidibada ugu aasi lahayd ciidan Soomaaliyeed oo leh Cudud muuqata kuwaas oo sugida amniga dalka kala wareega ciidamada Shisheeye ee xiligan taageeraya dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho