Muqdisho(RBC Radio) Xilli qaar kamid ahaa mudanayaashii baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinka ka keenay xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa qaar kale oo ka tirsan mudanayaasha Mooshinka wada waxa ay daboolka ka qaadeen ineysan marnaba aysan ka tanaasuli doonin Mooshinkaas oo ay si weyn uga walaacday bulshada Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid mudanayaasha horboodaya Mooshinka maanta loo madlan yahay ee ladoonayo in codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ay ku dhaliileen iney ka gaabisay hawshii loo igmaday ayaa daboolka ka qaaday ineysan marnaba ka noqon doonin Tallaabada ay Mooshinka uga keeneen Xukuumadda.
Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday iney aaminsan yihiin hadii ay guuleystaan iyo hadii ay ku guul dareystaan kalsooni kala noqoshada xukuumadda iney qabteen hawl qaran oo ay ahayd iney ku dhaqaaqaan sida uu tilmaamay.
Wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in baarlamaanka lagu tilmaamo Miino aase,wuxuuna eed ujeediyey Banaan-baxayaal shalay dhigay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Mooshinka ay wadaan kuwaas oo sitay Boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen”Miino aase iyo Mooshin keene waa iskugu kaaya mid”,wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in baarlamaanka sidaas loo jaa’ifeeyo,isagoona sheegay iney arintaasi ka danbeyso siyaasad sida uu sheegay.
R/wasaare Saacid ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu hortago baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda uu horkacayo.
RBC Radio
Xafii