Image may be NSFW.
Clik here to view.
Garoowe (RBC RADIO) Maalmihi ugu dambeeyey waxaa Magaalada Garoowe ka socday Kulamo is daba joog ah kuwaasi oo looga hadlayay sida ugu fudud oo Haweenka Puntland ay doorashooyinka Golaha deegaanka uga qayb gali lahaayeen ugana heli lahaayeen xaqooda ayaa waxaa sii xigay kulan 4 geesood ah oo dhexmaray Wasaarada Haweenka Puntland Masuuliyiin ka socotay Gudiga doorashooyinka UNDP iyo PDRC oo xarunteeda kulanka lagu qabtay iyo Ururo kale ayaa leyskula soo hadal qaaday sida ugu fudud ee haweenka loogu heli karo Xuquuqdooda.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Abshiro Muuse Ciise oo xubin firfircoon ka ah Gudiga doorashooyinka Puntland waxay soo hadal qaaday sharci ahaan in Urur walba liiska musharixiinta uu soo gudbinayo 5ta qof ee ugu horeysa ay isku Milan yihiiin oo Rag iyo Dumar ay ka kooban yihiin laakiin aan hal dhinac loo badan waxayna Ururada ku boorisay in ay soo dhaweeyaan dumarka taageerona u muujiyaan iyadoo sheegtay in Dumarka oo la dhiiri geliyaa ayba suurta gal ka dhigi karto in si fudud ay ku qabsoomaan dimuqraadiyeynta laga damacsan yahay in laga hirgeliyo Puntland.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Caasho Maxamuud oo kulanka ka hadashay waxay sheegeegtay in geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuuleen sidii Dumarka reer Puntland ay kaalintooda u heli lahaayeen una sameeyeen Uqareemid badan tababaro aqoon kororsi ah iyo taageero dhanwalbaba leh si looga taqaluso fikirka ah in haween aysan waxtar lahayn,waxay kaloo codsatay Wasiirada in shuruucda ay ilaaliyaan Ururada aysannah ku xadgudbin Dumraka Kaalintooda.
Kulankan ayaa ugu dambayn laga soo saaray Go’aamo lagu taagerayo dumarka kaasi oo Xuquuqdooda lagu siinayo min Gobol ilaa Tuulo sida Warbixinta Kulanka lagu soo bandhigay.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.