Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in Dowlada Australia ay Xiriir gaar ah la leedahay Puntland kaalin Culusna ay ka qaadato mashaariicaha Hormarineed ee Puntland ka socda sida Amaanka Waxbarashada iyo Dib u dhiska isagoo kaga mahadceliyay Dowladaasi sida ay u garab taagan tahay Soomaliya siiba Puntland mar uu Madaxweynaha ka hadlayay Shir ay si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Madaxtooyada isaga iyo Safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya Geoff Thooth oo Xalay ku hoyday Magaalada garoowe Maantana ka amba baxay.
Goeff ayaa dhankiisa xusay in uu ku faraxsan yahay imaanshaha Puntland qorshayaasha imaan-shahoodana ay ka mid tahay sii wadida ka qayb qaadashada Hormarka Soomaliya , wuxuuna booqasho ku tagay shirka kadib Jeelka weyn ee loo dhisayo Burcad badeeda ee ku yaal Duleedka Garoowe, wuxuuna cadeeyey in ay sii 2ba jibaari doonaan ka warqabka Soomalida.
Safiirka oo ay tahay markii ugu horeesay oo uu yimaado Puntland ayaa imaanshihiisa waxaa lagu micneeyey kormeerida Mashaariicaha Puntland ka socda siiba kuwa ay ku lugleedahay Australia si uu u arko qaabka ay wax u socdaan intuusan ka amba bixin dalka.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe