Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey Miisaaniyadii 3-dii bilood ee ugu danbeeyey sanadkii 2012-ka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Kulankii ay maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay soo xaadireen 155 xildhibaan oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee  baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar ayaa waxay ku meelmariyeen Miisaaniyaddii 3-dii bilood ee ugu danbeeyey sanadkii dhammaaday ee 2012-ka.

Mudanayaasha ayaa ansixiyey Miisaaniyaddii bilihii October,November iyo December ee sanadkii ina dhaafay,waxayna sidoo kale kulanka baarlamaanka laga akhriyey qoraalka talooyinka gudiga Maaliyadda ee baarlamaanka oo ay shalay sharciyeeyeen xildhibaanada baarlamaanka Federaalka.

Gudiga ayaa maanta soo saaray talooyinka Maaliyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda oo ay shalay meelmariyeen mudanayaasha baarlamaanka kaasoo ka kooban 15 qodob oo qoraal ah,waxaana qodobadaas mudanayaasha u akhriyey Xildhibaan Jamaal oo xubin ka ah gudiga Maaliyadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha ayaa ku qancay soona dhaweeyey qodobada uu soo gudbiyey gudiga Maaliyadda kaasoo ay ku dhaqmi doonto wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya,mudanayaasha ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in qodobadani ay wax badan ka bedeli doonaan ogaanshaha iyo dabagalka dakhliga faraha badan ee dowladda soo gala halka uu ku baxo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo shir gudoominayey kulanka baarlamaanka ayaa soo afmeeray kulanka baarlamaanka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles