Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Odayaashii baarlamaanka soo xulay oo dalbaday in la joojiyo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda R/wasaare Saacid

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Qaar ka mid ah odayaashii soo xulay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku shiray ayaa dalbaday in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ee ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Garaad Aadan Cilmi oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha baarlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhisida xukuumadda iyo dhammaan hay’adaha dowladda laga soo maray dhibaatooyin aan yareen,wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin in si fudud lagu burburiyo dowladdii ay dhisideeda dhibaatada kasoo mareen.

“Aad iyo aad ayey u dhibeysaa arintaasi ummadda Soomaaliyeed,annaga oo soo dhisnay ayey waliba si gaara noo dhibeysaa”ayuu yiri Garaad Aadan Cilmi oo ugu baaqay mudanayaasha ku hawlan Mooshinkaas iney ka laabtaan go’aankaas.

Dhammaan odayaashii kulanka ka hadlay ayaa isku raacay ineysan xiligan Munaasab ahayn in Mooshin lagu ridayo laga keeno xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,waxayna kula taliyeen kana dalbadeen mudanayaasha baarlamaanka iney joojiyaan tallaabadaas una dhega nuglaadaan baaqyada kasoo yeeraya odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ay wadaan qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka oo dhaliilsan wax-qabadka xukuumadda ayaa walaac ku abuuray qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles