Gaalkacyo [RBC Radio]Wasiirka maaliyadda iyo qoshayenta DF ee Soomaaliya Sulaymaan Xasan Cawil oo qayb ka ahaa wafti dhawan soo garay magaaladda Gaalkacyo ayaa maantay dib ugu labtay magaaladda Muqdisho.
Sulaymaan Xasan Cawil ayaa barqanimadi maantay ka ka ambabaxay magaaladda Gaalkacyo,wasiirka oo ka duulay garoonka Cabdulahi Yuusuf halkaasi oo ay anbibixintiisa ay ka qayb qaaten maamulka gobolka,kan degmada iyo qar kamida dadwaynaha Gaalkacyo.
Wasiirka maamliyadda iyo qorshayenta mudan ,Sulaymaan Cawil ayaa inta ay san duulin diyaaradi uu raaci lahaa ayaa waxaa uu hadal kooban siyay saxaafadda isagona hadalkisan kusoo hadal qada dhinacyo kaladuwan iyo mudadi kusugnaa Gaalkacyo,hadalkisaa ayaa uu kusoo hadal qaday qodobo lugu soo qaaday kulamadii RW Soomaaliya Cabdi Faafax Shirdiin (Saacid) qorshayaashasi oo bilow ah waxana uu wasiirku ka beegsaday qorshayaashaasi shaqo loo igmaday oo ay kamid ahayeed gudi oo uu isago xubin ka yahay gudigasi oo lo xil-saaray dhacdooyinka amni ee ka dhaca gobolka iyo falalka ay kala gaystaan dadka soo kala jeeda waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo oo ay ka kala arimiyaan Puntland iyo Galmudug kawaasi oo dhexdooda ay mudo kala duwan ay ka dhex dheceen falal soo lab laabta,waxana uu sheegay inay gudigasi noqon doono mid xal unoqda arimaha ka dhex dhaca shacabka labada dhinacba.
“Waxanuu dhowr maalmo ka hor nimid deegaanada Puntland iyo Galmudug waxana wafitga an qaybta ka ahaa ee uu horkacayey ra”iisal wasaare Saacid waxana kulamo walal tinomo laqadanay labada dhinacba waxana ay ku dhamaaden guul,waxana filayna gudi an inuu qayb ka ahay oo loo xilsaaray dhacdooyinka ka dhaca gobolka labadisa dhinac inuu noqdo mid soo afjara”waxaa intas warbaahinta uu sheegay wasirka.
Dhinaca kale waxa uu wasiirku ka hadlay qodobo ay ka mid tahay hormarinta garoonka C/laahi Yuusuf isagoo ka mahad celiyay sagootinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ee dhanka Puntland ay u sameeyeen wasiirka oo ka haray wafdigii R/wasaare Saacid oo ku yimid gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigay”ayaa isna dhinicisa jeediyay hadalo soogotin ah un kusoo gotinayey wasiirka maaliyadda waxanaa uu sheegay inuu filayo dhamanbaa arimaha lo igmaday inay nooqdan mid lugu golaysto,dhinaca kale waxa uu guddoomiyu hadalkisa kusoo qaday in garoonka Cabdulahi Yuusuf ee magaaladda Gaalkacyo uu yahay mid dadwayne farabadan oo Soomaaliyed ay adeegsadan balse uu yahay mid bur bur ka muqdo loona baahan yahay sida uu sheegay goddoomiyuhu in dadwaynaha Soomaaliyed ka qayb qaatan dhismihisa.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa mudadan danbe kusugna deegaanada Puntland iyo Galmudug oo ay boqosho ku tagneen,waxana socdalkan uu ka danbeeyay kadib markii ay deegaanadan soo garan wafti uu qayb ka ahaa una hogaaminayey Ra’iisal wasaare Saacid.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio xafiiska wararka Gaalkacyo