Muqdisho(RBC Radio) Taliska AMISOM ayaa ka warbixiyey hawlgallada ballaaran ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay maanta ka sameeyeen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho.
Col. Xumud ayaa sheegay in hawlgalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM wuxuuna tilmaamay iney kusoo qab-qabteen dad fara badan oo uu tilmaamay iney xiligan ku hayaan baaritaano kala duwan sida uu tilmaamay afhayeenka AMISOM.
Wuxuuna shaaca ka qaaday iney hawlgalladan ka fulin doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran caasimadda Muqdisho,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney habeen iyo maalinba wadi doonaan hawlgalka ay ku xaqiijinayaan sugidda nabadgalyada magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xumud ayaa intaa ku daray in qorshaha hawlgalkan uu yahay mid ay wada dajiyeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isla markaane uu yahay mid wax weyn ka bedeli doona nabdgalyada magaalada Muqdisho,wuxuuna ka dalbaday shacabka reer Muqdisho iney ciidanka gacan kusiiyaan hawlgalka ay wadaan.
Dhanka kale afhayeenka AMISOM ayaa soo hadal qaaday arimaha gobolada Jubooyinka waxaana lagu weydiiyey shirkiisa Jaraa’id in ciidanka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM aysan dhex-dhexaad ka ahayn arimaha ka taagan jubooyinka isla markaane ay dhan u xaglineyso,wuxuuna kaga jawaabay in ciidanka Kenya ay markii hore ahaayeen balse xiligan ay yihiin Ciidanka AMISOM ayna ku hawlgalaan qorshaha AMISOM,wuxuuna ku gaabsaday in arinta ka taagan Jubooyinka ay tahay arin Soomaaliyeed oo u taalla Soomaalida.
Saaka aroortii hore ayaa lagu arkay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo booliska AMISOM inta badan xaafadaha degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshid ee magaalada Muqdisho,hawlgalka maanta ay ciidamada iskaashanaya sameeyeen ayaa waxa uu saamayn badan ku yeeshay ardayda wax kabarta dugisyada iyo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho kuwaas oo aysan maanta u suurta galin iney gaaraan goobahooda waxbarasho halka qaarkoodne ay ka mid noqdeen boqolaalka ruux ee xabsiyada loo taxaabay
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho