Beledweyne(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee .gobolka Hiiraan ayaa awaamiir adag kasoo saaray dadka wata dharka shacabka ee hubka ku dhexqaata magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo ay maamulka iyo saraakiisha ciidanku ay ka wadaan dadaalo isdaba joog ah oo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan sugida amniga magaalada Beledweyne oo soo hagaagayey bilihii u danbeeyey.
Taliyaha ciidamada booliska magaalada Beledweyne Cali-dhuux Cabdi Mahad Alla oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Hiiraan ay soo saareen Amaro lagu mamnuucayo in dadka wata dharka shacabka ineysan hub ku qaadan karin gudaha magaalada beledweyne ee xarunta gobolkaas.
Mahad Alla ayaa sheegay iney tallaabo adag oo ka qaadi doonaan ciddii u hogaansami weysa amarka kasoo baxay maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee gobolka Hiiraan ,wuxuuna tilmaamay iney arintaasi uga gol leeyihiin xaqiijinta amniga magalada iyo iney ka hortagaan dhibaatada alshabaab ay geystaan,wuxuuna tibaaxay in alshabaab ay shacabka isku soo ekeysiiyaan kadibne ay magaalada dhibaato ka geystaan si ay taas uga hortagaane ay usoo rogeen amarkan.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiligan sugida amnigeeda gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta gaar ahaan ciidamada ka socda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ee Hiil-walaal,waxaana xiliyada qaar ka dhaca falal amni xumo oo aan sidaa u buurneen,waxaana magaalada ka socda horumar la taaban karo oo ay horseedday nabadda ka jirta magaalada beledweyne.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho