Bonn, Germany : Waxaa sharaf noo ah maanta in aan halkan idinkugu soo gudbino akhbaarta iyo macluumaad ku saabsan cayaaraha xagaaga ee lago qabanayo ama ka furmaya magaaladda Bonn ee wadanka Jarmalka.
Haddaba muddo dheer ka dib markii la arkay cayaaraha halka ay kaga jiraan isla markasna la arkey in baahiweyn loo qabo isu keenida dhalinyarada Soomaaliyeed ee u nool wadamada Qaaradda Yurub u jeedaduna ay tahay in lagu mideeyo looguna abuuro Jawi ama dareen is dhaxgal oo wanaagsan oo dhalinyaradda dhexdooda ah. Dhinaca kalena si loo gala dagaalamo waxyaalahaa dhaqamadda foosha xun ku keena ama khatarta ku keena noloshooda iyo Caafimaadkooda mustaqbalka soo socda sida dambiyadda iyo Balwadaha xunxun.
Cayaaraha Xagaaga ee ka furmaya magaaladda Bonn ee wadanka Jarmalka ayaa waxa ay noqonayaan kulankii ugu horeeyey ee loo qabto Jaaliyaddaha ama dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku baahsan dalkan Jarmalka muddo dheer ka dib, ciyaarahan ayaa noqon doona tartamo cayaareed oo Kubbadda Cagta ah ( Fußball or Soccer) dhex mara dhalinyarrada da´doodu u dhaxeyso 10 sanno ilaa 22 sanno, waxaana abaabulka iyo marti gelinta Wufuuda ugu horeysay ee cayaaraha Xagaaga qaatey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Bonn ee wadanka Jarmalka waxayna dhici doonaan Bisha 29-30 Juni 2013 haddii EEBE idmo , cayaaraha ugu horeeyana waxaa furi doona wiilal 10 ilaa 13 sanno(Boy= Age 10-13)
Waxaa kaloo la ogaysiinayaa Jaaliyaddaha Soomaaliyeed iyo Guddiyadda cayaaraha Goboladda ee Jarmalka inuu jiro kulan ka dhici doona bishan 25 May 2013 keeda magaaladda Bonn kaas ah ah isbarasho kooxaha ka qayb gelaya taramadda furmaya bisha juni 29-30 keeda,waxaana halkaa lagu sameyn doonaa ama lagu aasaasi doonaa Urur Sport oo ay ku mideysan yihiin dhamaan cayaaraha Goboladda Jarmalka, kaas oo sannad walba joogtan doon cayaaraha Goboladda Jarmalka sidoo kalena ka qayb qaata kuwa Yurub, waxaa dhinac socda kulankaas 25 May 2013 oo la sameyn doono isku aadka jadwalka kooxaha taas oo loo qori tuuri doono.
Haddaba wixii intaa dheer kala xiriir Godoomiyaha Gudiga qaban qaabadda Cayaaraha xagaaga ee Goboladda Jarmalka Kabtankii Xulka Qaran ee kubadda Cagta Soomaaliyeed Kabtan Ibraahim Axmed Cali ( Ibraahim-shaash) iyo guddigiisa, waxayna idinku soo dhaweyn doonaa farxad iyo weji furan oo walaal tinimo ku dheehan tahay , ayagoo sheegay inay casuumadu u furan tahay dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Goboladda Jarmalka.
Ka soo qayb gal wanaagsan dhamaantiin
Mahadsanidin
Kabtan Ibrahim Axmed Cali (Ibrashim-shaash)
Bonn, Germany
Tel: 00491637056881
Email : ibrahimshash@yahoo.de