Muqdisho(RBC Radio) Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo waxqabdka xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Sayid ee magaalada Muqdisho,Dibadbaxa ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal ruux oo shacab ah kuwaas oo ku qaylinayey ereyo ay ku mucaaradsan yihiin Mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala noqdo Xukuumadda.
Shacabka bannaanbaxa dhigayey ayaa muujiyey iney ka xukun yihiin Tallaabada ay qaadeen qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo u ololeynaya Mooshin la doonayo in lagu rido xukuumadda r/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Shacabka dibadbaxa dhigayey ayaa ka codsaday mudanayaasha baarlamaanka ee ku hawlan Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda iney ka noqdaan arinkaas oo ay shacabku sheegeen ineysan dan ugu jirin bulshada Soomaaliyeed oo kasoo daashay khilaafaad iyo isqab-qabsi.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan aysan u baahneen khilaaf laga dhex abuuro hay’adaha dowladda,waxayna sheegeen in xukuumadda r/wasaare Saacid ay dadaal badan ugu jirto soo celinta xasiloonida dalka isla markaane ay jirtay mudda kooban oo aysan suurta gal ahayn iney wax walba ku hagaajiso 7-dii bilood ee ay xilka haysay.
Dibadbaxa ay dhigeen shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka danbeeyey kadib markii ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka Mooshin ay ku doonayaan in codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho