Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Suudaan oo ballan qaaday iney gacan weyn ka geysaneyso dib u dhiska ciidanka Soomaaliya

$
0
0

Khartuum(RBC) Dowladda dalka Suudaan ayaa ballan qaaday iney gacan weyn ka geysan doonto dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,wasiirka wasaaradda gaashaandhiga dalka Suudaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum kadib markii uu soo dhammaaday wadahadalo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Suudaan ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay Soomaaliya.

C/rixiin Maxamed Xuseen wasiirka difaaca Suudaan ayaa shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Suudaan ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku burburay dagaaladii Sokeeye,wuxuuna ballan qaaday iney dowladda Soomaaliya siin doonaan taageero hagar la’aaneed.

Wuxuuna shaaca ka qaaday in dalkiisu uu ciidanka Soomaaliya ka taageeri doono dhinacyada Tababarrada iyo qalabka Milateriga,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda Suudaan ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loosoo celin lahaa cududii ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isne shirka Jaraa’id hadal ka jeediyey ayaa dowladda Suudaan ku amaanay ugana mahad celiyey taageerada aan kala go’a lahayn ee ay la barbar taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Fiqi ayaa dowladda Suudaan ku bogaadiyey taageerada waxbarasho iyo isragab taagga ay dowlad walba oo ka dhalata dalka Soomaaliya,wuxuuna xusay iney shacabka Soomaaliyeed ogsoon yihiin wanaagga ay u gashay dowladda Suudaan.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa kormeer ku maray xarumo dhowr ah oo ay leedahay wasaaradda gaashaandhigga Suudaan,wuxuuna indha indheeyey xeryaha ciidanka Milateriga dalkaas oo ay qaar kamid ah tababaro ku qaadanayeen ciidanka Suudaan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles