Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka hawlgallo ballaaran ka wada xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,ciidamada ayaa saaka aroortoo lagu arkay xaafadaha u dhexeeya Wadada weyn ee Wadnaha ilaa wadada Warshadaha halkaas oo ay ka wadaan baaritaano xoog leh.
Ciidanka ayaa waxa ay galayaan guryaha ku yaalla xaafadaha ay hawlgallada ka wadaan iyagoona qab-qabanaya ragga gaar ahaan dhalinyarada,waxaana boqolaal ruux lasoo sheegayaa iney ciidanka iskugu geeyeen Xaafada laba-dhagax ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir kuwaas oo laga soo aruuriyey Xaafadaha Cali-kamiin,Xamar-Jadiid,Xamar-BileWadada Warshadaha iyo qeybo kale oo magaalada ah.
Ciidamada ayaa sii deynaya dadka la garto ama wata Kaararka Aqoonsiga,halka kuwa kalane ay u gudbinayaan Saldhigyada ciidamada ee ku yaalla degmada Wardhiigley halka qaar kalane lasoo sheegayo iney u gudbiyeen xarunta danbi baarista booliska Soomaaliyeed ee CID-da.
Isu socodka Gaadiidka ayaa hakad ku jira goobaha ay saaka Ciidamadu ka wadaan hawlgallada,dadka la qabqabtay ayaa waxaa ku jira arday kusii jeeday Dugsiyadooda waxbarasho iyo Jaamacadaha magaalada,hawlgalka oo bilowday xalay galinkii danbe ayaa waxa ay ciidamadu ku qab-qabteen dad aad u fara badan.
Saraakiisha horkacaya hawlgalka ayaan ilaa hadda ka hadlin baaritaanada ay ka wadaan xaafadaha degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir,waxaana lagu wadaa iney warbaahinta la hadlaan marka ay soo gabagabeeyaan hawlgalka ballaaran ee ay ka wadaan xaafadaha degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho