Muqdisho(RBC Radio) Qaar ka tirsan mudanayaashii Mooshinka ka keenay xukuumadda Soomaaliya ayaa ka laabtay go’aankoodii hore ee ay ku doonayeen iney ku ridaan xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,Xildhibaanadan ayaa u aaneeyey ka noqoshada Mooshinkii ay xukuumadda ka keeneen kadib markii ay tixgaliyeen dareenka bulshada Soomaaliyeed oo ay sheegeen iney si weyn uga gilgisheen tallaabada lagu doonayey in kalsoonida loogala noqdo xukuumadda ee ay mudanayaashani wadeen.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa 96-dii mudane ee baarlamaanka geeyey Mooshinka xukuumadda ka dhanka ahaa oo shalay ka qaybgalay kulan ay yeesheen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo lagu taageerayey xukuumadda ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay go’aankii hore ee ku aaddanaa kalsooni kala laabashada xukuumadda.
Wuxuna ku sheegay sababaha uu uga noqday go’aankiisii hore iney tahay kadib markii sida uu tilmaamay ay shacabku ka xumaadeen tallaabada ay ku doonayeen iney xukuumadda ku ridaan isla markaane ay ahayd arin aan ku habooneen marxaladda uu dalku marayo xiligan ,isagoona tilmaamay in isaga iyo qaar kale oo badan ay go’aansadeen iney tixgaliyaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Dalxa oo la weydiiyey sababihii ay xukuumadda Mooshinka uga keeneen iyo waxa ku dhaliyey arinkaas ayaa kaga jawaabay inuusan jirin wada tashi iyo muwaafaqo mideysan oo ay ku go’aamiyeen iney xukuumadda ku ridaan balse waxa uu tilmaamay iney ahayd laab lakac lagu deg degay cidne aysan isweydiin sababta dhabta ah ee ay xukuumadda u mucaaradayaan.
Balse wuxuu qiray inuu jiray dareen gaara oo xildhibaan walba u gooni ahaa kaasoo ku xambaaray inuu iska taageero Mooshinka xukuumadda ka dhanka ahaa isaga oo aan ka baaraandagin,isaga oo fiirinaya danihiisa gaarka ah ama tabashooyin shakhsiyadeed sida uu tilmaamay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa,wuxuuna ugu baaqay mudanayaasha kale ee wada Mooshinka iney ka waantoobaan isla markaane ay noqdaan kuwa wax dhisa ee aysan ku sifoobin kuwa dumiya waxa u dhisan ummadda Soomaaliyeed.
Mudanayaal Muqdisho shalay ku shiray oo si weyn u taageersanaa xukuumadda ayaa uga mahad celiyey mudanayaashii Mooshinka ka geeyey xukuumadda ee ka laabtay go’aankoodii hore ee ay ku doonayeen iney xukuumadda kalsoonida kala laabtaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho