Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mudanayaal Muqdisho ku shiray oo taageeray waxqabadka xukuumadda,kana soo horjeestay Mooshinka laga keenay Xukuumadda

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Kulan ballaaran oo looga soo horjeedo Mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo  R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ay yeesheen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Kulanka oo looga soo horjeeday Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda oo ay baarlamaanka keeneen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo lagu qabtay Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu taageerayey waxqabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon,waxaana ka qayb galay kulankaas in kabadan 130 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed diiriye oo ah gudoomiyaha gudiga Xuquuqul Iinsaanka baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in xiligan maanta lagu jiro aysan munaasab ahayn in qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay Mooshin ka keenaan xukuumadda oo ay sheegtay iney ku tallaabsatay guul iyo horumar la taaban karo.

Dhammaan mudanayaashii ka qayb galay kulanka ayaa isku raacay in xukuumadda R/wasaare Saacid ay dalka u hogaamisay horumar mudada kooban ee ay xilka haysay,Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa daboolka ka qaaday inaan Khilaaf meel lagu gaarayn,wuxuuna xusay in R/wasaaraha ay mudanayaashu u yeereen isla markaane uu horyimi baarlamaanka si wanaagsane uu uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey uuna baarlamaanka ka tagay iyaga oo qanacsan,wuxuuna isweydiiyey waxa keenay in Mooshin ka dhan ah la keeno baarlamaanka xiligan.

Markii uu soo baxay warka sheegaya in qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iney wadaan Mooshin ay ku doonayaan iney ku ridaan xukuumadda R/wasaare Saacid ayey arintaasi wel-wel horleh ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed oo kasoo daalay isqab-qabsiga masuuliyiinta dalka kuwaas oo khilaafkoodu uu dib u dhac ku keenay hawshii ay shacabku ka sugayeen.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles