Boosaaso[RBC Radio] Shirkadda Isgaarsiinta Golis iyo Xawaaladda Tawakal Express ayaa maanta shaaca ka qaaday iney Mataaneeyeen Adeegyadooda Sahal Service iyo E-Tawakal,waxayna tallaabdan kaga dhawaaqeen Xaflad ay ku qabteen Xarunta Golis ee Boosaaso.
Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Cabdirixmaan Cabdullaahi Jaamac “Dayax”” oo Saxaafada la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey Ujeedada Shirkooda Jaraa’id uu yahay in ay bulshada ugu soo bandhigaan Barnaamij waxtar u leh Macaamiisha Golis iyo Xawaalada Tawakal Express.
..”"”Barnaamij loogu magacdaray Mataaneynta Adeega Sahal iyo E- Tawakal,waa Barnaamij cusub oo faa’ido iyo Waxtar iyo hawl fududeyn u leh Macaamiisha Shirkadda Golis iyo Macaamiisha Shirkadda Tawakal Express,..”"ayuu yiri Dayax.
Hoggaanka Ganacsiga ee Shirkada Golis Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq) oo isna Sharaxaad ka bixiyey sida labada Adeeg ee Sahal iyo E-Tawakal uwada shaqeynayaan,wuxuuna sheegay in labada Adeeg isku Xirayo Macaamiisha gudaha iyo dibada ee Golis iyo Xawaalada Tawakal Express.
…”"”Addeegan wuxuu fududeynayaa oo isku Xirayaa Macaamiisha gudaha iyo kuwa dibada ee Golis iyo Macaamiisha dibada ee Tawakal Express buu isku xirayaa,..”"”ayuu yiri Cumar Faaruuq.
Wuxuu intaas ku daray Hoggaanka Ganacsiga ee Shirkada Golis Cumar Ciise Maxamed …”"”"Maanta waxa kusoo biiray in Adeega Sahal iyo Adeega E-Tawakal oo ah in qofka dibada jira marka uu lacagta soo diro qofka adeega Sahal haysta ama adeega Moobilka Golis haysta isagoo gurigiisa jooga,magaaladiisa jooga lacagta ugu soo dhacdo…..”"ayuu yiri.
Baaqa Nacaamiisha.
Hoggaanka Ganacsiga ee Shirkada Golis Cumar Ciise Maxamed ayaa ugu baaqay Macaamiisha aan haysan Adeega Sahal ama aan adeegsan iney diyaar ula yihiin Diiwaangelin lacag la’aan ah dhamaan Xarumaha Golis oo dhan.
Madaxa Horumarinta Caalamka ee Xawaalada Tawakal Express Cali Siciid Maxamed (Nacnac) ayaa sheegay in Xawaalada Tawakal Express ay Juhdi farabdan gelisay sidey ula hanaqaadi lahayd Shirkadda Golis ayna uga faa’ideyn lahayd Macaamiisheeda dibada jooga iyo weliba kuwa gudaha jooga.
…”"” Shirkadda Tawakal waxay juhdi aad u badan gelisay sidey ula hanaqaadi lahayd Shirkadda Golis ayna uga faa’ideyn lahayd Macaamiisheeda dibada jooga iyo kuwa gudaha jooga ee isku xiran….”"ayuu yiri.
Macnaha E-Tawakal
…”"” E-tawakal macanaheedu waxauu yahay qofka dibada jooga,wuxuu funayaa Akoon amase gudaha jooga hadduu doonayo ,marka Akoonkaas furto uu Shuruudaha Akoonka soo gudbiyo ka dib waxa u fursad u helayaa Isaga oo gurigiisa jooga,Xafiiskiisa jooga meel walba dunida haka joogo uu ku xiranyahay Internet in markas lacagta kusoo diri karo si toos ah qofka Moobeylkiisa haysta Sahal…..”"”ayuu yiri.
Si kastaba Mataaneynta Adeegyada Sahal iyo E-Tawakal ayaa wax weyn ka badeli doona Caqabadaha bulshada ka qabsada dhanka lacagaha,waxaana si weyn usoo dhaweeyey Macaamiisha labada dhinac.
___________________________
Cismaan Turaabi