Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaar ka mid ah Barakacayaasha ku dhaqan Garoowe oo Guryo la Gudoonsiiyay.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Waxaa maanta Duleedka Bari ee Garoowe ka dhacay Munaasabad Guryo loogu wareejinayay Dad barakacayaal ah oo halkaasi ku nool Guryahaasi oo dhamaa 600 ayaa hay’ada Wold Vition oo kaa shaneysa Dowladaha England & Canada waxay gudoon siisay 600 ooo qoys si ay uga hoos galaan Dabaysha iyo Qoraxda kulul ee ka jirta Gobolka Nugaal maadaama lagu jiro xiliga xagaaga, iyadoo sidoo kale Guryo dhan 600 la gudoonsiiyay Barakacayaasha ku nool Degmada Burtinle.

 

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faroole iyo Masuuliyiin ka socotay 2da Gole oo ay wehliyaan Msuuliyiinta Hay’ada Wold Vition ayaa kasoo qayb galay Munaasabadaasi, Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland C/laahi Axmed jaamac (ilka Jiir) oo Madasha ka hadlay wuxuu sheegay in Dadka ka yimi Koonfurta Dalka Soomaliya aan mardabe loogu yeeri Karin Barakacayaal balse ay ka mid noqdeen Xaafad ka mid ah magaalada Garoowe dadkana aysan ka takoorneen isagoo sii raaciyay hadalkiisa in Bulshadu ay is dhexgasho amnigana si wada jir ah loo ilaashado.

 

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faroole oo gunaanadkii Xafladaasi ka hadlay wuxuu xusay in ay wax qabadku uu yahay wixii ka dhex muuqda Bulshada sida Caafimaadka Waxbarashada Ganacsiga Biyaha iyo waliba Guryahan hada horteyda ka muuqda ayuu yiri Madaxweynuhu.

 

“ Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Shacabka Puntland oo soo dhaweeyey walaalohood Kuunfureed oo deegaankoodii kasoo barakacay waxaana leeyahay halkan waa dhul soomaaliyeed cid laga xigaana ma jirto waxaana u taagannahay badbaadinta Umada Soomaaliyeed, waxaad ogaataan in halkan aysan ka jirin waxyaabaha Been abuurka ah ee Muqdisho laga sheego oo ah in dadka Barakacayaasha ah lagu dhibo Puntland dadka soo dhaweynta walaalohood abaaraha iyo Dagaalada kasoo fakaday ku dhaqaaqayna xusid ayeey mudan yihiin ee ma mudna in laga been abuurto, sidaana waxaa yiri Madaxweyne Faroole.

 

Dadkan oo gaaraya 600 oo qoys ayaa si toos ah Guryahooda loogu wareejiyay waxayna sheegeen in nabad Caafimaad iyo shaqoba ay ku haystaan Deegaanada Puntland dibna aysan u noqoneynin sidoo kale waxay mahad u celiyeen Hay’ada Wold Vition oo ka mira dhalinta Barnaamijkan xil weyn iska saartay waxaana isla meesha looga dhawaaqay in Xaafad Cusub oo Jilab la magac baxday in laga yagleelay Magaalada Garoowe.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles