Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo Muqdisho kula kulmay wafti ka socda hay’adda Q/M u qaabilsan dib u dhiska iyo deegaameynta

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobe u qaabilsan dib u dhiska iyo deegaameynta oo maanta soo gaaray magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Waftiga ka socda Qaramada Midoobe ayaa waxaa horkacayey Tame Readan oo ka tirsan saraakiisha Qaramada Midoobe u qaabilsan dhanka dib u dhiska iyo deegaameynta,wuxuuna magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay masuuliyiinta  maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyey ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta kale ee  maamulka gobolka.

Markii uu soo dhammaaday kulanka labada dhinac ayaa waxaa warbaahinta Faah faahin kasiiyey waxyaabihii kulanka looga wada hadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan wuxuuna sheegay in maadaama ay magaalada Muqdisho ka socdaan Mashaariic horumarineed oo fara badan in maamulka gobolka uu codsaday in hay’adaha Qaramada Midoobe ay iska arkaan arinkaas si looga gudbo dhaqamo hore oo uu sheegay in lagu gacan bidixayn jiray Mashaariicda dalka loogu tala galay.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu dhammaaday xiligii qandaraasyada beenta ah lacagaha loogu tala galay mashaariicda dalka lagu lunsan jiray sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna intaa ku daray in maamulka gobolka Banaadir uu dadaal u galay sidii mashaariicda dalka ka socda ay ugu hirgali  lahaayeen sidii loogu tala galay isla markaane aysan dhicin in lacagaha loogu tala galay mashaariicda gobolka Banaadir aysan galin jeebka shakhsiyaad dana gaara leh.

Tame oo hogaaminayey waftiga oo isne saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney tahay markii ugu horeysay ee uu Muqdisho safar ku yimaado,wuxuuna tilmaamay in safarkiisu uu kusoo dhammaaday guul,wuxuuna daboolka ka qaaday in ujeedka safarkoodu uu ahaa sidii dib u dhis loogu samayn lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya taasoo uu sheegay iney faa’iido u tahay maamulka gobolka iyo shacabka reer Muqdisho.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles