Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen Miisaaniyadda 3-dii bilood ee ugu danbeeyey sanadkii 2012-ka, kulanka oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar ayaa ugu horeynba waxaa warbixin dheer oo ay soo diyaariyeen baarlamaanka ka hor akhriyey gudiga maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha gudiga maaaliyadda ayaa ku sheegay warbixintiisa iney caqabado adag kala kulmeen intii ay ku hawlanaayeen soo diyaarinta xisaab xirkan ,wuxuuna tilmaamay iney soo aruuriyeen xog badan oo ku saabsan lacagaha ku baxa xafiisyada dowladda federaalka Soomaaliya.
Markii ay gudigu soo gabagabeeyeen warbixintooda ayaa waxaa dood ku saabsan arinkaas la siiyey qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka kuwaas oo cabbiray aragtidooda ku aaddan sida ay xukuumadu u maareysay miisaaniyaddii 3-daas bilood oo kala ahaa October,November iyo December ee sanadkii 2012.
Mudanayaasha ayaa dood badan ka keenay sida ay xukuumadu u maareyso iyo halka ay marto lacagaha kasoo xarooda Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in 6 goobood oo kala duwan lagu canshuuro gaadiidka iyo Badeecada kasoo degtay looga qaado ,iyagoona sidoo kale sheegay in garoonka 7 meelood lagu canshuuro waxyaabaha kasoo daga ama ka dhoofa,waxayna tilmaameen inaan la garaneyn halka ay maraan lacagahaasi.
Xildhibaanada ayaa xukuumadda ku dhaliilay ineysan si cad aysan u maamulin Dakhliga kasoo xarooda Dekedda iyo Garoonka,waxayna sidoo kale arin aan la qaadan karin ku tilmaameen in dowladdu aysan Akoon rasmi ah ku lahayn Bandhiga dhexe ee dalka,taa bedelkeedane ay ka doorbideen iney Akoono ka ka furtaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay taasoo ay ku tilmaameen arin qalad ah.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya jaylaani Nuur Iikar oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in wasiirku uu hore u hor yimid mudanayaasha baarlamaanka,wuxuuna tilmaamay in waxyaabaha ay mudanayaashu doonayaan iney hor dhigaan wasaaradda maaliyadda ay baarlamaanka ugu xilsaaran yihiin gudiga maaliyadda baarlamaanka si ay u saxaan waxyaabaha ay u arkaan ineysan habooneen habka ay xiligan u socdaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho