Garoowe (RBC RADIO Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa Maanta sheegay in ay qimyaamo qaran tahay wax ka badalka qaawan ee lagu sameeyey Dastuurka Dalka taasi oo ah wax aan leysla ogayn wuxuuna sheegay in taasi ay dhaawici doonto heshiisyadii kala duwanaa ee Garoowe lagu saxiixay ayna dhalin karto dhibaato hor leh hadaan hada laga gaarin lagana hakan wax yaabaha aan heshiiska ku jirin ee lagu dhaqmayo.
Madaxweyne C/Raxmaan Faroole wuxuu sheegay in Dowlada Soomaliya ay ka caga jiideyso ku dhaqmida Federaalisimka ayna dooneyso Maamulka oo idil in lagu soo koobo Muqdisho balse wuxuu madaxweynuhu sheegay Burburkii Dalka kadib in ay jiraan Magaalooyin dhismay oo baraaray dadka dagannah aysan doonayn in meel kale ay ka aadaan ayna diyaar u yihiin soona dhaweynayaan Federaaliisim intaa wixii dheerna ay tahay xad gudub iyo abuurida qalalaaso horleh sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.
Mudane Faroole wuxuu ka digay in dib loogu noqdo dhibaatooyin horleh oo horay dalka usoo daashaday wuxuuna tusaale usoo qaatay sida Dowlada Soomaliya ay isaga indha tireyso Maamulka Saxda ah ee Jubbooyinka laga dhisay oo uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe taasi oo ku dhisan buu yiri hab Federaaliisim ah sidaa darteed wuxuu Dr Faroole ku celiyay in Puntland aysan u cuntameyn wax aan Federaaliisim ahayn dalkana uu u baahan yahay in sidaa lagu hago.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka yiri Maanta Munaasabad ay barakacayaasha ku dhaqan Garoowe qaarkood ay kula wareegayeen 600 oo Guri oo ay u dhistay Hay’ada Wold Vition toosna loogu wareejiyay Maanta.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.