Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo xarayn doono Safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ahna r/wasaare ku xigeenka dalka Fowziya Yuusuf xaaji Aadan ayaa daboolka ka qaaday in dhawaan loo yeeri doono Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka kadib markii sida ay sheegtay dib u habayn ballaaran lagu sameeyey shaqaalihii hoose ee wasaaradda arimaha dibadda.

Wasaaradda ayaa hore dalka ugu soo xareysay intii badneed Diblamaasiyiintii Soomaaliya u matalayey wadamada Caalamka,Fowziya ayaa ku micneysay go’aankaasi mid lagu hormarinayo siyaasadda dibadda Soomaaliya iyo sidii Safaaradaha looga shaqaalaysiin lahaa dad u qalma oo meteli kara dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa hoosta ka xariiqday iney ku dadaalayaan sidii ay u xoojin lahaayeen Cilaaqaadka ay dowladda Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale,waxayna tilmaantay iney ku guuleysteen inuusan bannaanaan Kursaastii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.

Waxayna ku nuuxnuuxsatay in hadii la hagaajiyo xiriirka dibadda ee Soomaaliya ay la leedahay adduunka intiisa kale iney taasi sahli doonto in dunidu ay maalgashato khayraadka dalka  Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka buuxa xabsiyada wadamo fara badan oo ku yaalla qaaradaha kala duwan ee dunida,waxayna sheegtay iney dalal badan kala hadleen sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalalkooda.

Waxayna dhalinta Soomaaliyeed ku boorisay iney ka waantoobaan Tahriibka isla markaane aysan naftooda qatar,waxayna ku talisay in lacagaha faraha badan ee Tahriibka uga baxay in dhalinyaradu ay dalkooda uga ganacsadaan maadaaama uu dalka ka dhacay isbedel la taaban karo oo dhanka amniga ah sida ay sheegtay Fowziya Yuusuf xaaji Aadan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles