Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladii kumeelgaarka Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhexgalay hogaamiyaasha alshabaab uu fursad muhim ah u yahay dowladda Soomaaliy,wuxuuna ka codsaday madaxda dalka iney ka faa’iideystaan fursadaasi qaaliga ah sida uu tilmaamay.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka ka dhexjira uu yahay fursadii ugu wanaagsaneed ee suurta galka ka dhigeysa in alshabaab laga cirib tiro gayiga Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay wasiirkii hore ee amniga qaranka xukuumadii kumeelgaarka ahayd.
C/samad ayaa tilmaamay iney la gudboon tahay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iney ka faa’iideystaan Khilaafka iyo Tafaraaruqa ka dhexjira alshabaab,wuxuuna hoosta ka xariiqay in alshabaab ay u baahan yihiin dhamaystir yar sida uu hadalka u yiri.
“waxaa muuqda burburkii iyo fashilkii alshabaab,waxaa soo ifbaxaya calaamadihii muujinayey dhamaanshaha alshabaab” ayuu yiri C/samad Macalin Maxamuud,wuxuuna kula taliyey madaxda dalka ineysan iska lumin fursadan qaaliga ah ee ay haystaan.
Wuxuuna intaa ku daray C/samad Macalin Maxamuud in alshabaab ay jabeen,isla markaane waxa kaliya ee u haray ay tahay in laga waayo gayiga Soomaaliya,dhibkoodane ay bulshada Soomaaliyeed ka raysan doonaan sida uu tilmaamay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho