Xildhibaanadii sheegay in laga hor istaagay kulankii ay ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amarkii kulankooda lagu horjoogsaday uu kasoo baxay xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliya sida ay sheegeen.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka tirsan mudanayaasha u ololeynaya meel marita Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay iney caddaatay in amarkii lagu horjoogsaday kulankii ay Muqdisho ku qabsan lahaayeen uu kasoo baxay xafiiska madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed sida uu sheegay.
Xildhibaanka ayaa sheegay inaan la iskaga hari doonin tallaabadaas,wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka la horgeyn doono si ay go’aan uga qaataan” Ciddii amarkaas madaxtooyada kasoo bixisay waxaa la hor keeni doonaa baarlamaanka waana lagula xisaabtami doonaa gabood falkaas”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.
Cabdi Barre Yuusuf ayaa sheegay iney talaabadii lagu joojiyey kulanka ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen ay tahay mid meel ka dhac ku ah Xasaanada xildhibaanada baarlamaanka,wuxuuna ku celceliyey inaan loo dulqaadan doonin lagana hari doonin arintaas oo uu ku tilmaamay iney tahay mid dhaawacaysa dowladnimada sda uu hadalka u dhigay.
Xuldhibaanka ayaa xukuumadda hadda jirta ku dhaliilay iney ku fashilantay hawshii loo igmaday ee ay shacabka ka sugayeen,”maaha xukuumad lagu aamino karo masiirka ummadda,waxay gabtay gudashada xilkii la saartay,mana aha xukuumad la jaan-qaadi karta isbedellada dalka ka hirgalaya”ayuu yri Xildhibaan Cabdi Barre.
RBC Radio