Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari Oo Xukuno Ku Riday Kalluumeysato u Dhalatay Iiraan [Sawirro+Dhageyso]

$
0
0

Boosaaso[RBC Radio] Maxkamada Darajada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday Kalluumeysato u dhalatay wadanka Iiraan,kuwaas oo Xeebaha Puntland ka wadey Kalluumeysi sharci-daro.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari Bashiir Hoobaley oo Maxkamada ka hor akhriyey eedeynta Kalluumeysatada Iiraan ayaa sheegay in muddo si sharci-daro ah uga Kalluumeysanayeen Xeebaha Puntland isla markaana uu ka Codsanayo Maxkamada in laga qaado tallaabo adag.

Qaar kamid ah Naakhuudayaasha Doonyaha Kalluumeysi ee u dhashay dalka Iiraan oo iyaguna Maxkamada ka hadlay ayaa sheegay in Biyaha Badda Puntland uga Kalluumeysanyeen si sharci-daro ah balse aysan geysan dil,taas oo ay kusoo eedeeyeen Ehelada Kalluumeysato reer Puntland ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee gobolka Bari Shiikh Aadan Shiikh Axmed Sandheere oo ku dhawaaqay Xukunka Maxkamada ayaa sheegay in ganaax kala duwan ku rideen Doonyaha,Baxaarida,Naakhuudayaasha iyo Hubka saarnaa Doonyaha Kalluumeysatada reer Iiraan.

Halkan ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Shiikh Adam Guji Halkan

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee gobolka Bari Shiikh Aadan Shiikh Axmed Sandheere .

Doomyaha.

Shanta doonyood ee kalluumeysi ayey Maxkamadu ku xukuntay midkiiba in laga bixiyo Boqol kun oo doolar taasoo lagu bixin doono muddo dhan 45-maalmood gudahood haddii lagu bixin-waayana ay Dawladda Puntland la wareegeyso.

…”"” Maxkamadu waxay Xakuntay Doonyahaas Kalluumeysanaya,waxay ku xukuntay midiiba ganaax dhan 100,000 oo Dollar oo ay ku bixinayaan 45-casho haddii ay ku bixin-waayaana Doonyahaas ay la wareegeyso Dawladda Puntland.

Naakhuudayaasha Doonyaha.

..”" Maxkamadu sidoo kale waxay ku ganaaxday ganaax dhan midkiiba 5.000 Doolar in uu ku bixiyo mudadaas loogu bedeli doono Xabsi u dhigma,..”"”ayuu yiri.

Baxrida.

..”"Baxrida Doonyahaas saaran sidoo kale Maxkamadu iyaguna waxay ku xukuntay ganaax  dhan midkiiba 2.000 Doolar oo ay ku bixinayaan mudadaas haddii ay lagu bixin-waayo loogu bedeli-doono Xabsi…”"”ayuu yiri.

12-nin Soomaalida ah

…”"” 12-nin ee Soomaaliga ah iyagana sidoo kale,waxaa lagu xakumay ninkiiba 1.000 Doolar, oo ganaax ah haddii uu bixin-waayana isaga sidoo kale waxaa loogu badelayaa Xabsi sida uu qabo Qodobka 189….”"”ayuu yiri.

Qoryaha.

…”"” Qoryaha iyo kalluunka saaran Doonyaha dhamaan Maxkamadu waxay u xukuntay iney la wareegto Dawladda Puntland….”"”ayuu yiri.

Magacyada Naakhuudayaasha Doonyaha Kalluumeysi.

01. Maxamed Yoonis Cabdalle.

02. Cabdikariin Cali Maxamed

03. Ismail Fakiir Maxamed.

04. Cabdikariim Cabdirixmaan Cabdalle.

05. Aslam Ciise Jalaal.

Si kastaba Maxkamada Darajada 1-aad ee gobolka Bari Xukunada ay maanta riday ayaa ku eeg sida ay Guddoomiyuhu sheegay muddo dhan 45-maalmood gudahood ku dhaqangalayo.

___________________

Cismaan Turaabi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles