Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Maanta Madaxtooyada Boosaaso Kula Kumay Culimada iyo Waxgaradka Puntland[Sawirro+Dhageyso]

$
0
0

 

Madaxda Dawlada Puntland

Boosaaso[RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa Guriga Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Kulan kula qaatay Qaar kamid ah Culimada iyo Waxgaradka Puntland.

Kulanka oo Saacado Socday ayey labada dhinac isuku dhaafsadeen tallooyin,arrimaha Jubbaland iyo Xaalada xiligaan ay mareyso Puntland,waxaana la isla in si wadajir ah wax looga qabto Xaaladda Puntland.

Dhanka Xukuumadda Puntland ayaa kulanka,waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan,Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdullaahi Axmed Jaamac,Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga Muuse Geelle,Guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Duqa Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan.

Qaar kamid ah Waxgaradka Puntland

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire oo Saxaafada Warbixin kooban siiyey Saxaafada ayaa sheegay in labada dhinac Qodobadii ay kawada arrinsadeen si fiican la isugu afgartay isla markaana ay Ugu Muhiimsanayaayeen:

01. Ilaalinta Amniga Puntland.

02. Taageerida Jubbaland.

03. Dimuqraadiyada.

04. Iyo arrimo badan oo khuseeya Aayaha Puntland.

…”"” Waxaan la kulanay Issimada ku sugan magaalo Madaxda gobolka Bari.Nabadoonada iyo Culima’udiinka iyagana waxaanu ka hadalnay Xaalado ay hormuud u ahaayeen,arrimaha amniga ay ugu weyneyd runtiina waxanu isla qaadanay amnigu inuu bulshada oo dhan dan u yahay qof kastaana kaalinta uu ku eeyahay uu ka qaato….”"”ayuu yiri Gen Cabdisamad.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire

Waxa uu sheegeay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire in dhanka Culima’udiinka Puntland ee ku sugan Boosaaso isla qaateen Tallooyin badan oo labada dhinac soo Jeediyeen isla markaana laga wada ballamay in la iska kaashado adkeynta Amaanka guud ee Puntland.

….”"” Waxaa halkaas nagala soo qeybgalay Culima’udiinka ku sugan magaalada Boosaaso iyaguna runtii talladaas waa nala qaateen,waxaanuna go’aansanay wax alaale wixii Carqaladeynaya ama Xumaan ku keenaya amniga magaalada iyo guud ahaanba gobolka iyo gaar ahaanba Puntland in meel looga soo wada jeesto….”"”ayuu yiri.

Halkan ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gen Cabdisamad Cali Shire Guji Halkan

Dimuqraadiyadda Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire oo ay hareer fadhiyeen Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa Carabaabay in Waxgaradka iyo Culimada isla soo qaadeen kana Wadahadleen arrimaha dhanka Siyaasada gaar ahaana Hannaanka Dimuqraadiyada ay Xukuumadu wado.

Qaar kamid ah Culuma’udiinka Puntland

…”"” Waxaan kala hadalnay in maanta dawladu ay bulshada u gudbineyso Marxalad Siyaasadeed oo cusub oo hore aan Waayo aragnimo loogu lahayn hase ahaatee loo baahanyahay in lagu dhiirado si looga baxo Nidaamkii Qabaliga ahaa looguna gudbo Hab Dimuqraadi ah,,,,,”"ayuu yiri,

Si kastaba Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland ayaa maalmahanba wadey kulamo kala duwan oo ay la Yeelanayeen Qeybaha Bulshada,waxaana kulamadaasi ay noqdeen dhamaanba kuwa la isku afgartay la isna weydaarsaday Tallooyin.

_____________________________

Cismaan Turaabi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles