Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii uu maamulka Soomaaliland uga mamnuucay iney duullimaad ku sameeyaan garoomada ku yaalla deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland Diyaaradaha Qaramada Midoobe warsaxaaafadeed kasoo baxay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge xirsi ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid aan habooneyn.
Wasiirka yayaa sheegay in dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ay ka xuntahay Xayiraada ay Soomaaliland kusoo rogtay duullimaadyada Qaramada Midoobe,wuxuuna tilmaamay iney ka raali galinayaan Qaramada Midoobe tallaabadaasi,wuxuuna warsaxaafadeedkiisa ku sheegay wasiirku in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso xeerka Duullimaadyada Qaramada Midoobe.
” Dowladu waxa ay iftiimineysaa qiimaha iyo ahmiyadda hawlaha Bini’aadaninimo ee Qaramada Midoobe ka hayaan Soomaaliya,maamulka hawadu siyaasad lama xiriiro,dowladdu diyaar ayey u tahay iney Soomaaliland wada hadal kala gasho arinkaas iyada oo la dhowrayo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi.
Maamulka Soomaaliland ayaa Diyaaradaha Qaramada Midoobe ka mamnuucay deegaanada uu ka arimiyo kadib markii uu ka carooday go’aankii ay Qaramada Midoobe dowladda Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho