Garoowe (RBC RADIO) Haween ka kala yimid Gobolada Puntland kana Ganacsada Qaadka iyo Masuuliyiinta Wasaarada Haweenka Puntland ayaa kulan ugu soo gabagaboobay magaalada Garoowe,Kulankan oo 2maalin socday kutalagalkiisu wuxuu ahaa ogaanshaha baahiyaha dhabta ah ee haweenka ku kalifay in ay wadooyinka ku gadaan Qaadka iyadoo xiliyada qaar ay dhibaatooyin kala kulmaan.
Haweenka ka Ganacsada Qaadka ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin duruufo adag ayna quudin ka sugayaan Caruur aabohood uusan u shaqayn, raashin wax barasho caafimaad iyo waxtar guudba ka sugaya iyaga sidaa darteedna markii ay waayeen wax ay qabtaan dantu ku kaliftay in ay shaaricyada qaadka ku gadaan, hadiise ay jirto fursado kale ay jecelyihiin in ay joojiyaan gadista jaadka.
Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo kulanka soo xirtay waxay sheegtay in ay walaac ka qaado markii ay aragto gabar soomaaliyeed oo laamiga bartankiisa qaadka ku gadaysa balse waxay wasiiradu sheegtay in ay dan u geesay laakiin aysan ahayn wax ay gabdhuhu iska jecleysteen.
“ waxaan is weydiinay hablaha maxaa ku sababay in ay qaad ii biyaan waxaana soo baxday duruuf in ay keentay, waxaan kaloo is weydiinay hadii ay mihnad kale ay helaan ma iska deynayaan jawaabtu waxay noqotay Haa, sidaa darteed waxaan go’aansaday in Haweenka aan u dagaal takno siiba kuwa qaadka iibiya, sidaad la socotaan qaadka raga ayaa iibin jiray Dumarkana guryaha ayeey joogi jireen hada Qaadka dumarka ayaa iibiya, waxaan aaminsanahay in baahi dhankasta leh ay haweenku u geesay in ay qaad iibiyaan tacadiyo badanah loogu geysto inta ay iibineyso sidaana waxaa yiri Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan.
Waasir Xaliimo waxay sheegtay in Haweenka inta ay qaadka iibinayaan ay la kulmaan Dil dhac handadaad joogto ah iyo Bahdilaad sidaa darteedna ay qorsheeneyso Wasiiradu inaysan Haween dabe qaad gadin laamiyadana la fariisan sida ay hadalka u dhigtay Wasiiradu.
Masuuliyiinta Wasaarada ayaa sheegay in ka hortaga arintan iyo ka dhabeynteedaba ay kala kaashan doonaan hay’adaha caalamiga ah iyadoo Xirfado loo heley Haweenka Puntland loo badin doono Hooyooyinka Qaadka iibiya si looga mashquuliyo wax yaabaha kale oo ay ku hawlan- yihiin, Waxaana Wasaarada Haweenka Puntland ay dhawaanahan wadaa Dadaalo badan oo dumarka u gaar ah kaasi oo la xiriira arimaha Doorshooyinka Golaha deegaanka PUntland, Tababarida Dumarka, Wacyigelintooda ,u qareemidooda, iyo waliba Qalabeyntoodaba.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.