Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo iska fogeysay iney mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iska hor-taagtay kulan ay Muqdisho ku yeelan lahaayeen

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa iska fogeysay iney ku lug leedahay cabasho kasoo yeertay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo sheegay in kulan qado ah oo ay ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ay iska hortaageen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugidda qaranka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir “Goobe” oo maanta shirkiisii Jaraa’id ee ugu horeeyey tan iyo markii loo magacaabay xilkaas xarunta Nabadsugidda wariyaasha ugu qabtay ayaa sheegay in Hay’adda Nabadsugiddu aysan wax lug ah ku lahayn eedda loo jeediyey ee ku saabsan iney mudanyaal Muqdisho ku shiri lahaa ay ka hor istaageen kulankooda.

Gen. Bashiir Goobe ayaa sheegay in shaqada iyo masuuliyadda Hay’adda Nabadsugiddu ay tahay ilaalinta Karaamada iyo amniga madaxda dalka,wuxuuna tilmaamay iney ogsoon yihiin in mudanayaasha baarlamaanku ay yihiin Hay’adii ugu sareysay dalka,wuxuuna meesha ka saaray iney arimahaas oo kale aysan iyaga u cuntameyn iney kula dhaqaaqaan sida uu tilmaamay.

Agaasimaha Nabadsigidda ayaa codsaday in mudanayaashu ay iska hubiyaan sida uu u dhacay falkani iyo cidda sida rasmiga ah uga masuulka ah si aan meel looga dhicin sharafta iyo karaamada Hay’adda Nabadsugidda qaranka.

Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee Hay’addu uu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay gaarsiiyaan nabad iyo xorriyad ay ku naaloodaan,hadalka agaasimaha Nabadsigidda ayaa kusoo beegmaya xili ay xildhibaano ka tirsanbaarlamaanka Fedraalka ay  ciidanka Nabadsugidda ku eedeeyeen iney iska hortaageen kulan ay Muqdisho ku yeelan lahaayeen maalinimadii shalay.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles