Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo koox dhaqaatiir ah u diraysa dhanka Miyiga (Warbixin+Sawirro).

$
0
0

 

Garoowe (RBC RADIO) Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa Gobolada Puntland u kala dirtay Dhaqaatiir kor u dhaafaya 100  kuwaasi oo Hawlgal isugu jira Talaalid iyo daweyn ku sameyn doona Xoolaha ku nool miyiga si looga hortago Cuduro badan oo asiiba Xoolaha Xiliyada qaar kaasi oo suurta gal ay tahay in ay kala qaadaan hadaan laga gaarin oo ka hortag aan la samayn,Qorshaha Kooxdan ayaa ah in ay Talaalaan 4Malyan oo Neef halka sidoo kale ay Daweynayaan in ka badan 6000 (Lix Boqol oo Kun oo Ari ah).iyadoo ay iska kaashanayaan hawshan Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Hay’ada FAO.

Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Deegaanka oo Madasha ka hadlay waxay ka codsadeen Dadka reer miyiga ah in ay gacmo furan kusoo dhaweeyaan dhaqaatiirta si loo helo xoolo caafimaad qaba iyagoo booriyay in wada shaqayn iyo is faham ay dhex marto 2da dhinac si loo gaaro ahmiyadii Barnaamijkan laga lahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ahna Kusimaha Wasiirka C/Wali Xirsi Nuur ayaa sheegay in kooxdan Dhaqaatiirta ah ay 20 koox ka kooban yihiin hawshooduna ay socon doono 60 Maalmood waxyaabaha Xoolaha laga daweynayona ay ka mid yihiin Furuqa iyo Jadeecada intii Hawlgalkan uu socdana la mari doono Magaalo Tuulo ilaa miyiga Fog si loo hubsado xaalada dhabta ah oo Xoolaha deegaanku ay ku sugan yihiin kadibna la daweeyo ama la talaalo ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu kaloo wasiirku xusay in loo baahan yahay Dulqaad xiliga ay Hawshu socoto lagana doonayo Dhaqaatiirtu in ay u sabraan wax yaabaha diidmada ah oo ay xiliyada qaar kala kulmaan dadka reer Miyiga ah ee aana qoonta dheeraadka ah u lahayn daweynta Xoolaha, wasiirku wxuu kaloo xusay in Deegaanada qaar ay Cabasho ka timaado kaasi oo la xiriira in aan la gaarsiin dawada ama dhaqaatiirtu ay Hawl fududeysi sameeyaan isagoo sheegay in arintaasi ay Wasaarada Dabagal ku samayn doonnto loona baahan yahay in Waajibaadka la saaray dhaqaatiirta ay sidii la rabay u gutaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo Kulanka soo xiray ayaa sheegay in Waqtigii loo baahnaa ay arintan timi Xooluhuna ay dan weyn ugu jirto Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ayna tahay wax waajib ah in caafimaadkooda laga warhayo, wuxuu gudoomiyuhu u rajeeyey in Shaqadooda sidii la rabay ay ugu soo dhamaato Dhaqaatiirta isagoo kula taliyay in ay shaqadooda sii laba jibaaraan,

Ma ahan markii ugu horeesay oo Wasaarada Xanaanada Xoolaha ay Koox Caafimaad u dirto dhanka miyiga waxaana jira sida dadka saadaaliya arimaha Caafimaadka Xoolaha  Kahortag badan oo ay wasaaradu sameesay ay ku badbaadeen Xoolo badan oo u nugulaa cuduro kala duwan.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles