Kismaayo (RBC) Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa saaka xiray wadada tagta xarunta jaamacadda Kismaayo ee magaalada Kismaayo ka dib markii xalay weerar dabley loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab ay ku qaadeen xarunta jaamacadda.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in askar ka tirsan kuwa Kenya iyo Soomaali uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi oo xalay laga maqlayay magaalada gudeheeda.
Masuuliyiinta amaanka ee Kismaayo ayaa sheegay in koox ka mid ah Al Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo weerareen xarunta jaamacadda Kismaayo oo ay amaankeeda sugaan ciidamada Kenya uuna ku dhow yahay saldhig ay degan yihiin ciidamada. Waxayna saraakiisha sheegeen inay kala ceyriyeen kooxdii weerarkaasi soo qaaday.
Dhanka Al Shabaab wax war ah kama sheegin weerarkaasi iyaga lagu eedeeyay ee xalay ka dhacay xarunta jaamacadda Kismaayo.
Xarunta jaamacadda Kismaayo oo dhanka waqooyi ku taalla waxay beryahan hoy u ahayd ergooyin magaalada Kismaayo u yimid shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee ka furmay Kismaayo 28-kii bishii Febraayo.
Xarunta jaamacadda Kismaayo waxay saaran tahay wadada laamiga ee isku xirta Kismaayo iyo degmada Jilib, waxaana horeyba ay u ahayd wadadan mid amaanka dartiis looga joojiyey baabuurta shacabka.
Dhanka kale wiil dhalinyaro ah ayaa xalay rag aan la garan ku toogteen xaafada Balcad duleedka suuqyaraha Kismaayo oo ka tirsan deegaanka Calanley gudaha magaalada Kismaayo. Qof ku sugan xaafadaasi ayaa Raxanreeb u sheegay in weerarka dilka ay geysteen rag hubeysan oo markiiba goobta ka baxsaday.
Maamulka ku-meelgaarka ee magaalada Kismaayo iyo saraakiisha amaanka kama hadlin illaa hadda dilkaasi.
RBC Radio