Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in magaaladaas uu ka dhacay qarax miino oo gilgilay afar-irdoodka magaalada Kismaayo qaraxa ayaa ahaa mid dhulka lagu aasay wuxuuna ka dhacay agagaarka Sarta Xaaji Jaamac oo ka agdhow suuqa sarifka ee magaalada Kismaayo.
Qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas ilaa hada si dhab ah looma oga,daryanka qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,wararka aan ka heleyno Kismaayo ayaa ku waramaya inaan ilaa hada aysan cadayn cidda sida rasmiga ah loola bartilmaameedsanayey qaraxaas.
Wixii ka danbeeyey markii uu dhacay qarax Miino ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada maamulka kumeelgaarka ah ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo kuwaas oo isku gadaamay aagga uu qaraxu ka dhacay waxaana ay wararku tilmaamayaan in xaafadaha magaalada Kismaayo Bandow lagu soo rogay iyadoona ay socdaan baaritaano ku saabsan ciddii ka danbeysay qaraxaas.
Wixii warar ah ee kusoo kordha qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo iyo qasaaraha uu geystay intaba kala soco RBC Radio.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho