Baydhabo(RBC Radio) Hawlo Iskaa wax u qabso ah oo lagu hor marinayo adeegyada bulshada magaalada Baydhabo ayaa ka soconaya magaaladaas kuwaas oo dib loogu dayactirayo wadooyinka burbursan iyo Cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo oo uu soo gaaray burbur fara badan,shacabka magaalada Baydhabo oo si iskood ah isku xilqaamay ayaa go’aansaday iney dib u dayactirid ku bilaabaan wadooyinka magaalada iyo Cisbitaalka guud ee Baydhabo.
Shacabka is abaabulay ayaa iska soo aruuriyey lacago fara badan kuwaas oo ay u qorsheeyeen iney kusoo celiyaan adeegyada muhiimka ee bulshada oo ay ka mid yihiin jidadka iyo caafimaadka waxaana sidoo kale qayb ka ah hawlahan hor marineed dhalinyaro ku deeqday muruqooda kuwaas oo dhismaha goobahaas uga qayb galaya si iskaa wax u qabsaa.
Gudoomiyaha gobolka Baay ay dhawaan dowlada Soomaaliya u magacowday Cabdi Adan Hoosow ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo ay diyaar u yihiin iney soo celiyaan adeegyada muhiimka ah ee bulshada,wuxuuna ku tilmaamay iney yihiin shacabka reer Baydhabo dad ay ka go’antahay iney magaaladooda dhistaan isla markaane ay hor mariyaan adeegyada bulshada magaalada.
Cabdi Aadan Hoosow gudoomiyaha gobolka Baaya ayaa shaaca ka qaaday in hay’ada gar gaarka qaramada midoobe ay gobolka kusoo fool leeyihiin xiliyada soo aaddan wuxuuna tilmaamay in ilaa hada ay lasoo xiriireen hay’ado fara badan oo doonaya iney ka qayb qaataan u gar gaarida shacabka gobolka Baay,isagoona ugu hambalyeeyey shacabka magaalada Baydhabo tallaabada ay qaadeen ee ay ku hormarinayaan adeegyada bulshada magaaladooda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho