Kismaayo (RBC Radio) Wafdi ka socda dalalka ku bahoobay IGAD ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Xarunta Maamul Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo.
Wafdigaan markii ay gaareen magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag, gudiga saxiixayasha qorshaha Jubbaland oo IGAD ay garwadeen ka ahayd, iyo ururada bulshada ee ka hawlgala Kismaayo.
Wafdiga Igad ka socday iyo Madaxda Jubbaland ayaa kulanoodii ugu horeeyey ku yesheen gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kulankaan ayaa saxaafada ay dibad joog aheyd ilaa hadana lama faahfaahin waxa ay kawada hadleen iyo sida la isugu afgartay.
Inkadib ayaa waxaa loo galbiyay Hotel Cascasey oo ay ku jiraan wafdigii dawlada ee xalinta khilaafadka ee uu dhawaan soo magacabay R/Wasare Saacid ,waxaana ay ka wada hadleen umuuro ay kamid tahay in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay gobolka ka wadaan gaar ahaan in ay wax ka sheegan hogaanka dawlada cusub oo ay kamid tahay in ay uwaramaan idaacadaha oo in dhawaalaba xaalka sii murjinayay.
Dhanka kale goordanbe, oo galabta ah ayaa waxaa ay u baqoolen jaamacada magaalada Kismaayo halkaas oo ay kajirtay dabal dagyo lagu soo dhaweyay madaxda IGAD waxaana halkaas kabilawday kulamo saacado qaatay oo ay halkaas ku yeeshen madaxda IGAD iyo gudiga sixiiixayasha ,oo saxafadu wax faahfahin ah aysan ka helin.
Ugu danbayntii ayaa waxaa madaxda IGAD waxaa ay kulan kula yeesheen holka jaamacada Kismaayo boqolaal shacab ah iyo Ergooyinkii doortay Madaxwaynaha Jubbaland.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Madaxwayne, ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdulahi SH Ismaacil Fartaag oo markii ay kulamadu soo idladeen warbahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee laga wada hadlay ay kamid ahaayen in la dhameeyo madmadawga soo kala dhexgalay dawlada dhexe iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland isaga oo meesha ka saaray in marnaba aan laga hor imaan karin jiri taanka Jiritaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayna tahay go’aan bulshada reer Jubbaland ay wada gaareen.
Waxaa lagu wadaa in maalinimada bari ay ay saxaafada faahfaahin uga bixiyaan waxyaabaha u qabsoomay, waxaana ay dib ugu laaban doonan magaalada Adis Ababa oo dabayaaqada bishan May uu ka furmayo shir ay yeelanayaan wadamada IGAD oo ay kusoo bandhigi doonan waxyabaha ay Kismaayo kusoo arkeen.
RBC Radio
Kismaayo