Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jowhar: Koox hubeysan oo Bam ku tuurtay xarun ay ku sugnaayeen ciidanka booliska dowladda

$
0
0

 

Jowhar(RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in habeenkii xalay kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen xarun ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee xiligan gacanta ku hayan amniga magaalada Jowhar.

Kooxda hubeysan ayaa la Bam gacmeed ku tuuray Laanta Hanti-wadaag ee degmada Jowhar halkaas oo xarun u ah ciidamada booliska Soomaaliya ee ka hawlaga degmada Jowhar,weerarka ay kooxdani ku qaaday ciidamada dowlada ee ku sugnaa Xaafadda Hanti-wadaag ayaa dhaliyey dhaawac soo gaaray 2 ka tirsanaa askartii la weeraray.

Taliyaha ciidanka booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Jowhar Khaliif Cabdulle Carfaay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kooxdii weerarka soo qaadday ay goobta ka baxsatay,wuxuuna tilmaamay iney ku raadjoogaan isla markaane ay ku rajo weyn yihiin iney gacanta kusoo dhigaan si ay caddaalada u horkeenaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dhaawacyada 2-dii askari ee ku dhaawacmay qaraxaas Bam xiligan lagu dabiibayo Cisbitaalka magaalada Jowhar xaalkooda caafimaadne uu yahay mid aad u wanaagsan,wuxuuna taliyuhu daboolka ka qaaday iney sii wadi doonaan dadaalada ay ku adkeynayaan sugida amniga degmadaas.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe oo ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca falal lidi ku ah amniga magaaladaas,waxaana falalkaas lagu eedeeyaa alshabaab oo ka arimin jiray degmadaas ka hor itii aan dagaalka looga saarin.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles