Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Q/M oo soo Dhaweysay Siideynta Luul Cali, Walaacna ka Muujisay Xariga Wariye C/casiis Koronto

$
0
0

Newyork(RBC Radio) Qaramada Midoobe ayaa si diiran usoo dhaweysay siideynta Luul CAli Cismaan oo hore ay maxkamadi ku xukuntat kadib markii la sheegay iney sheegtay kufis been abuur ah oo ay sheegtay iney kula keceen ciidamada booliska dowlada Soomaaliya,war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoobe Bab-ki Moon ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey go’aankii maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ay ku gaartay in xoriyadeeda dib loo siiyo haweeneydii sheegtay in la kufsaday.

Hadalka Ban-ki Moon ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaramada midoobe ay si weyn uga walaacsan tahay xukunka 6-da bilood ah ee la duldhigay Wariye C/casiis Cabdinuur oo ay maxkamadu ku eedesay inuu ku xadgudbay shuruucda dalka kadib markii uu shaacin waawyey wareysiga uu la yeeshay Luul Cali oo sheegtay iney kufsadeen askarta dowlada Soomaaliya.

Ban-ki Moon ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney baaritaan deg deg ah ku samayso kufsiga la sheegayo in loo geystay Hooyo Luul isla markaane sharciga la hor keeno cidii ka danbeysa falkaas isla markaane laga hortago falalka kufsiga ah ee ay geystaan askarta dowlada Soomaaliya.

Hadalka xoghayaha guud ee qaramada midoobe Ban-ki Moon ayaa imaanaya xili ay axadii  maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ay soo saartay go’aanka racfaan hore looga qaatay xukunkii ahaa min halka sano ee lagu wada xukumay Luul & Koronto taasoo markale C/casiis Koronto 6 bil ku xukuntay iyadoona fasaxday Luul Cali Cismaan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles