Miniyabulis(RBC) Maxkamada Federaaliga ee magaalada Miniyabulis ayaa xukuno kala duwan ku riday Gabdho Soomaaliyeed oo lagu eedeeyey iney dhaqaale ku taageereen alshabaab Maxkamada ayaa Xaawo Maxamed Xasan oo 66 sano jir ah ku xukuntay 10 oo xarig ah,halka Aamina Faarax Cali oo 36 sano jir ah lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.
Aamino Faarax Cali ayaa beenisay iney lacago ku taageertay alshabaab waxayna ku adkeysatay iney dhaqaale u aruurisay dadka danyarta ah ee ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya,waxayna ku celcelisay ineysan wax xiriir ah la lahayn kooxda alshabaab.
Qaadiga Maxkamadda Federaaliga ah ee Miniyabulis ayaa sheegay iney xaqiiq tahay in Aamino Faarax ay lacago fara badan ku taageerta kooxda alshabaab ee dagaalka ka wada gudaha Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay iney hayaan caddeymo ku saabsan taleefanadii ay ku hadashay oo sida uu tilmaamay ay kula xiriirtay horjoogayaasha alshabaab.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Mareykanka gaar ahaan magaalada Miniyabulis ayaa xukunka Maxkamadda ku tilmaamay inuu ahaa mid caddaalad darro ah,Xasan Maxamed oo ka mid ah Iimaamyada magaaladaas ayaa aaminsan in xukunku uu yahay mid dheer oo aan sax ahayn,wuxuuna tilmaamay iney iska caddahay in Aamino ay lacaga u aruurisay dadka danyarta iyo agoonta ku tabaaleysan gudaha dalka Soomaaliya.