Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ugu Baaqay Ciidamada Dawlada Iyo AMISOM Inay Dhexdhexaad Ka Ahaadaan Kismaayo

$
0
0

Muqdisho (RBC) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay ciidamada dawlada ee ku sugan Kismaayo iyo kuwa AMISOM inay dhexdhexaad ka ahaadaan xiisadaha ka jira magaalada Kismaayo kadib markii maalintii Arbacada looga dhawaaqay halkaasi labo madaxweyne oo uu yeesho maamulka Jubbooyinka.

Wasiir Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu kaga hadlay xaalada magaalada Kismaayo ayuu sheegay in dawlada ay si weyn uga walaacsan tahay, sida uu yiri amnixumo ka dhalan karta maamulada isbabaryaaca ah ee Arbacadii looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

“Waxaan aad uga walaacsanahay inay arrimaham ka soo cusboonaaday Jubbooyinka iyo maamulada isfeeer-yaaca ee halkaasi looga dhawaaqay inay qalaalqal iyo qas ka abuuti karaan magaalada Kismaayo, taasina ay wax u dhimi karto amniga Kismaayo.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu sheegay in kooxda Al Shabaab oo markii horeba dagaal kula jirtay dawlada iyo AMISOM inay ka faa’ideysan karaan xiisaaha ka jira Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa baaq ballaaran u jeediyey ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM isagoo u soo jeediyey inay ka fogaadaan inay la kala saftaan dhinacyada sheeganaya madaxweynayaasha Jbbooyinka ayna la shaqeeyaan wafdi dib u heshiisiineed oo dawladu dhowaan halkaasi u dirtay.

“Waxaan u soo jeedinayaa ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM inay dhexdhexaad ka ahaadaan maamulada isbabar socda ee looga dhawaaqay magaalada.” ayuu yiti.

“Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan guddiga ay dawladu u dirtay dib u heshiisiinta ee ku sugan magaalada Kismaayo.” ayuu sii raaciyey wasiirka.

Wasiirka wuxuu intaa ku daray in wefdi ka socda wadamada IGAD oo dawlada federaalka Soomaaliya qeyb ka tahay ay tegi doonaan Kismaayo iyagoo raacaya war murtiyeedkii dhowaan ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD ee ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Hadalka wasiirka ayaa soo baxay saacado ka dib markii Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) la sheegay in madaxweyne ay u doorteen ergadii ku shirsaneyd Jaamacadda Kismaayo, kadibna Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa isaguna ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Jubbadaland.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles