Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Federaalka oo waxba kama jiraan ku tilmaantay madaxweynayaasha looga dhawaaqay Kismaayo

$
0
0

 

Muqdisho(RBC) Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay madaxweynayaasha iska soo horjeeda ee looga dhawaaqay magaalada Kismaayo wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed  oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa madaxweynayaasha Kismaayo looga dhawaaqay ku tilmaamay waxba kama jiraan.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladu ay 4 bilood ka hor ka digtay ineysan dhicin arimaha nuucan ah,”waxaan ku talinay in maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo lagu saleeyo dastuurka,aragtida dowlada, iyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhex-dhigo bulshada ku wada dhaqan deegaanadaas” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in dhibaatada ka dhacda magaalada Kismaayo ay masuuliyadeeda qaadi doonaan maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo oo sida uu tilmaamay iska dhega tiray baaqyo dhowr ah oo dowladu ay u dirtay si aysan u dhicin arinta maanta Kismaayo ka taagan.

“Kismaayo waxaa looga dhawaaqay maamulo isfeer socda kuwaas oo aan markii horaba ku salaysneen mabaadii’da dowlada federaalka  ee dhisida maamulada dalka,Waxbadn ayaan la talinay,waline waxaan u taaganahay inaan la talino oo hadaba waxaa Kismaayo ku sugan gudi u xilsaaran xalinta arimaha murugsan ee Jubooyinka” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay rajo wanaagsan ka qabto xalinta arinta Jubooyinka,wuxuuna tilmaamay iney ku guuleysteen in wadamada gobolka ay isku aragti ka noqdaan arimaha maamul u samaynta Jubooyinka,wuxuuna shaaca ka qaaday in sida kaliya ee lagu heli karo maamul ay isku waafaqsan yihiin bulshada goboladaas in loo dhega nuglaado siyaasada iyo talooyinka dowlada federaalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles