Muqdisho(RBC) Ururka alshabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay gobolo kala duwan oo dalka ah afhayeenka dhanka hawlgalada ururka alshabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab la hadlay warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegtay iney askar badan ku dileen dagaalo ka dhacay gobolada Jubada hoose,shabeelaha hoose iyo Gedo.
Afhayeenka hawlgalada alshabaab ayaa sheegay in ciidan ka tirsan alshabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo uu sheegay iney kaalinayeen kuwa Ethiopia oo kasoo ambabaxay magaalada Beled-xaawo isla markaane kusoo jeeday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Abu Muscab ayaa sheegay in ciidanka alshabaab ay dagaal kula galeen ciidankii dowladda ee kasoo ambabaxay magaalada Beled-xaawo deegaan lagu magacaabo Carra-case,wuxuuna tilmaamay in dagaalkii ka dhacay halkaas ay ku dileen 12 askari oo ka tirsan kuwa dowlada halka ay 30 kalane ku dhaaweceen sida uu sheegtay.
Abu Muscab ayaa dhanka kale sheegay in alshabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo,wuxuuna sidoo kale tibaaxay iney weerar ku qaadeen xarunta Akadeemiyada oo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay iney khasaaro fara badan ku gaarsiiyeen dagaalkaas.
Afhayeenka hawlgalada alshabaab Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in alshabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Arbacoow oo ka tirsan Ceelasha biyaha duleedka magaalada Muqdisho,wuxuuna sheegay iney halkaas ku weerareen ciidanka Burundi ee fariisinka halkaas ku leh wuxuuna tibaaxay iney dhibaato gaarsiiyeen ciidankii ay weerareen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho