Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqihiisa Danjiranimo Ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Dalka Koonfur Kuuriya (sawirro)

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga gudoomay waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo danjiraha dalka Koonfur Kuuriya u fadhin doona dalka Soomaaliya Kim Chan Woo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Barrow oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa-Soomaaliya ayaa sheegay in safiirka dalka koonfur Kuuriya Kim Chan Woo uu si rasmi ah madaxweynuhu uga gudoomay waraaqihiisa safiirnimo,wuxuuna tilmaamay in safaaradii dalkaas ee ku tiillay Muqdisho dib loo furayo kadib 22 sano.

Jamaal Maxamed Barrow ayaa tilmaamay in furitaanka Safaarada dalka Koonfur Kuuriya ay faa’iido badan ugu jirto Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday in furitaanka Safaarada ay daba socdaan Mashaariicdii dalka Koonfur Kuuriya uu ka fulin jiray gudaha Soomaaliya oo ay u badnaayeen gacan ku haynta iyo tababarka farsamada gacanta iyo mashaariic kale oo ku aaddan beeraha dalka.

Safiirka cusub ee dalka Koonfur Kuuriya u qaabilsan dalka Soomaaliya Kim Chan  Woo  oo isne goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimi uu yahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dalkiisa kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mr Woo ayaa sheegay in dalkiisu uu soo maray dagaalo sokeeyo sida Soomaaliya sanadihii 1950 ilaa 1953,wuxuuna tilmaamay iney jiraan qibrado badan oo ay Soomaaliya u faa’iideyn doonaan kuwaas oo ku saabsan habkii ay uga gudbeen colaadihii sokeeye,safiirka ayaa sheegay in dalkiisu uu ka qayb qaadan doono dib u dhiska Soomaaliyada cusub.

Dalalka Shisheeye ee safaaradahooda dib uga furanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa soo badanaya waxaana arinkaasi loo aaneynayaa daganaanshaha iyo xasiloonida oo kusoolaabanaya dalka Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya oo muujisay dadaal fara badan oo ku aaddan iney hagaajiso xiriirka dibadda ee ay la leedahay wadamada caalamka oo meesha ka maqnaa tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles